Saamaynta dhaqanka iyo lahjaddu ku yeelan karaan barashada xisaabta
iyo guud ahaan cilmiga ayaa ah arrin aad u muhiim ah oo inbadan laga faalooday. Waxaa qaddarin mudan in laga fiirsado, gaar
ahaan, abuurka erayo cusub iyo isticmaalkooda, iyadoo la is waydiinayo dulucda ay xambaarsan yihiin ereyadaasi iyo sida loo
fasiran karo luuqadda caadiga ee suuqa lagaga hadlo. Hubaal waxa ah in wax ku dhigista iyo wax ku barashada afka hooyo uu
ka wanaagsan yahay kan qalaad. Iyadoo taasi jirto ayaa hadana marka lahjadi ay ku jirto xaalad bilow ah, sida ``eray-cilmiyeedka
af-soomaaliga’’, ay tahay in laga digtoonaado doorashada eray-cilmiyeedyo cusub iyo dhisidda weedho yeelan kara
macno hufan oo aan keenin ismaandhaaf.
Luuqad hor-u-markeedu waxa uu ku salysan yahay heerka nolosha
iyo dhaqanka dadka ku hadla luuqaddaas, islamarkaana, heerka iyo nooca dhaqan-dhaqaale ee bulshadaasi ay u nooshahay ayaa
seesa ama kooba eraybixinta iyo qaamuuska afkooda. Tusaale ahaan, afka soomaaligu waa mid ku qani ah marka loo eego nolosha
dadyowga geeska afrika degganaa oo ku ekayd heer xoolo-dhaqato iyo beeralay ilaa qarnigan horraantiisii. Midda kale luuqadda
soomaaligu waxa ay ka soo jeeddaa suugaan aad u xeel dheer iyo aftahanimo ay lahaayeen gabayaaga soomaalidu.
Dhaqanka reer-guuraanimadu waxa uu aad u adkeeyey raadraaca
iyo helitaanka xaqiiqooyin ku saabsan taariikhda dhabta ah ee dadka ku nool Geeska Afrika. Gaar ahaan Soomaalidu waxay ay
ahayd ummad aan lahayn degaan rasmi ah, sidaa darteed way adag tahay sida loo helo hanti raagta oo ay ka tageen dadkii hore
(sida qalab farsamo, maacuun, farshaxan, imw.); hantidaasi oo wax wayn ka tari lahayd in dib loo dhiso, waxna laga ogaado,
hab nololeedkii iyo dhaqameedkii hore ee reer guuraagii ku noolaa bariga iyo geeska Afrika.
Afka soomaaliga, sida dhammaan hiddeha iyo dhaqanka dadka ku
hadlaa ay ku dhisnaayeen, waxa la isugu soo gudbinaayay kaliya dhawaq ahaan iyo xasuus uu facba faca ka danbeeya u dhiibaayey.
Ma ay jirin qoraallo lagu kaydiyo suugaanta iyo aqoonta ay dhaqanka u lahaayeen soomaalidu, mana ay jirin far u gaar ah afka
soomaaliga oo qorani. Taasi waxa ay sababtay in ay xikmad iyo cilmi-dhaqameedka ummadda soomaalidu — tusaale ahaan xiddigiska
iyo daawaynta daka iyo xoolaha — uu in badan lumay oo aanu lahayn tixraac iyo kaydin toona.
Waxaa xusid mudan sida uu Muuse Ismail Galaal uga
cudurdaartey dhibka lagala kulmi karo raadinta iyo ururinta waxa uu ku magacaabay "Bush Science". [Eeg. 4]. Muuse waxa uu
isku taxalujiyey in uu u kuur galo habka xidigiska ee dhaqan soomaaliga, waxaana uu isku dayay in uu si cilmi casri ah ugu
sharxo. Isagoo ka hadlaaya dhibaatooyinka u gaarka ah cilmibaadhista noocan
oo kale ah, wuxuu yidhi "In trying to set down what I have learned of Somali weather lore I have become aware of many difficulties,
and the complexity and uniqueness of the subject is one of them. But more than this, the fact that the beliefs and practices
are unwritten, and handed down from generation to generation of scattered group of nomads, and differ somewhat with each group
in the oral exposition of them, makes it extremely difficult to offer a comprehensive and consistent statement of what is
generally held. It is moreover no easy task to explain this unwritten "Bush Science" in manner acceptable both to the culture
one and a quite different scientific outlook. And finally I realised that it is one thing to have a grasp of an elusive subject
such as this in one’s mind and in one’s tradition, and another thing to be able to explain it lucidly on argument
and in writing."
Inkasta
oo ay jireen habab qoraal ee farta soomaaliga lagasoo bilaabo qarnigan horraantiisii, hadana hababkaasi waxa ay ahaayeen kuwo
ay shaqsiyaad gaar ah ama kooxo koobani isticmaali jireen. Afka Soomaaliga waxaa markii u horreysay loo dhaqan galiyey in
wax lagu barto horraantii toddobaatameeyadii, kadib markii la isku raacay in wax lagu qoro afka soomaaliga, iyada oo la adeegsanayo
xarfaha laatiinka. Sidaa darteed waxaa la odhan karaa cilmiga soomaaliga ah ee qoran waxa uu bilaabmay labaataneeyo sano ka
hor.
Guddi
isugu jira aqoonyahano cilmiyada sayniska iyo afafka, ayaa loo xilsaaray inay dejiyaan eraybixin mideysan oo loo adeegsado
laamaha waxbarasho ee kala duwan.
Shaki
kuma jiro qiimaha dhaxalgalka ah ee howshii ay qabteen gudigii eray-bixintu sanadihii 1970-75, gaar ahaan xagga xisaabta.
Waxa ay muddo yar ku dhiseen sal muhiim ah, iyaga oo ku guulaystey in ay af-soomaaliyeeyaan waxbarashada dugsiyada hoose-dhexe,
islamarkaana diyaariyeen buugta waxbarasho iyo barekaaliyeyaalba. Sannad kadibna waxa ay qoreen buugta dugsiyada sare oo waafaqsan
manhaj cusub oo loo dajiyey heerka waxbarasho ee dalka.
Afka
cilmigu wuxuu u baahan yahay erayo iyo lahjad u gaar ah, waayo ugu horrayn muhiimaddiisu waa inuu soo bandhigo fikrado aan
ku qeexnayn luuqadda suuqa lagaga hadlo, amase fikrado leh macno hoose oo ka duwan kan loo fahmo sida caadiga ah, kuna saabsan xaalladda
markaas laga hadlayo. Laamaha cilmigu, gaar ahaan xisaabtu, waxa ay u baahan tahay in kalmad kastaa ay yeelato manco hufan,
qeexan oo aan maldahnayn. Waxa kale oo xisaabtu u baahan tahay erayo iyo weedho gaar ah oo lagu muujiyo fikrado dahsoon (abstract
notions), kuwaas oo khaas ahaan ka hadlaaya aragtiyo dahsoon (abstract concepts): tusaale ahaan bar (point), xariiq (line),
bed (area), laxaad (dimension), iwm. Saddex siyood ayaa lagu gaadhi karaa yoolkaas: (i) iyada oo la isticmaalo erayo ka mid
ah luuqadda caadiga ah, balse macnohooda si cilmiyeysan lo qeexo, qeexdaas oo madi ah, (ii) iyada la abuuro erayo cusub oo
aan hore u jirin oo lagu magacaabo fikradaha xisaabeed ee laga hadlayo iyo (iii) in laga soo ammaanaysto erayo luuqadaha kale.
Sikastaba ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in waqti aad u dheer loo baahan yahay si ay u dhisanto lahjad cilmiyeed hufan.
Manhajna
si uu u noqdo mid taabagala, waxa uu u baahan yahay in hore laga ogaado luuqadda uu ku salaysan yahay; waa in ka hor inta
aan la dhaqan galin manhajka cusub, la diyaariyo qalab (sida buug, qaamuus cilmiyeedyo, barekalkaaliyeyaal, iwm) iyo xirfadleyaal
(sida bareyaal, maamul, iwm) wax ku bari kara luuqaddaas. Maamul kasta oo tacliimeed, haddii aanu lahayn siyaasad xooggan
oo xilli dheer ku salaysan ee xagga luuqadda wax lagu baranayo (strong long-term language policy), waxa uu u halis yahay dhibaatooyin
badan oo is hortaagaya koritaanka tayada waxbarashadiisa. Waxa uu luminayaa xoog iyo waqti badan si uu u diyaariyo qalab waxbarasho,
isla markaana u siiyo fursdad luuqadeed oo ay ardeydu kusii wadan karaan waxbarashadooda.
Yaraanta
waqtiga ay guddiga afsoomaaligu ku dejisay ``eraybixinta cilmiga’’, iyo la’aanshaha waayaragnimo iyo waliba
maqnaashaha cilmibaadhis ku habboon howshan ayaa abuuray goldoloolooyin badan oo qiime ridey in wax lagu barto afsoomaaliga.
Taas oo lagu darey tayo xumida sanadihii danbe ku dhacdey hor-u-socodka waddanka, gaar ahaan xagga waxbarashada, waxay niyad
jab ku riddey abaabulayaashii qorista iyo horumarinta afsoomaliga, waxayna sababtey in aanay hawshaasi helin dayactir ku habboon.
Goldaloolooyinka
manhajka waxbarashada ee dugsiyada somaaliya, intii u dhaxaysay 1970kii ilaa dhammaadkii siddeetameeyada, kuma ekayn kaliya
xagga luuqadda. Gaar ahaan muqarrarka xisaabta ee loo dejiyey dugsiyada dhexe iyo sare ma uu ahayn mid ku habboon heerka aqooneed
ee laga filayey ardeydu inay gaadhaan, kadib marka ay dhammeeyaan iskuulada.
Hadaba,
maadaama ay luuqadda wax lagu baranayaa aad u saamaynayso ardeyda fahankooda, salna u tahay dhuuxidda fikradaha xisaabeed
ee ay weedhkastaa xambaarsan tahay, waxaa lama huraan ah in dib loo eego eraybixinta af soomaaliga, lana dhiiri galiyo qoraal
badan oo soomaali ah. Taasi waxay fududaynaysaa in af-cilmiyeedka da’da yar ee af-soomaaligu u helo fursad uu ku dhex
galo luuqadda caadiga ah, kana madax banaanaado in uu ku koobnaado dugsiyada iyo goobaha waxbarashada oo kaliya.
Haddaba, waxaan dhammaan aqoonyahannada Soomaaliyeed
ka codasanayaa si ay guntida dhiisha isaga dhigi lahaayeen una soo jeestaan sidii dhallaanka soomaaliyeed loo gaarsii lahaa
horumar dhinaca aqoonta afkooda hooyo loona baro si cilmiyeysan.