AQOON LA'AANI WAA IFTIIN LA'AANE.

Soomalida Deggan Vågå (foogo) ee dalka Norwey

Home
Bogga Arimaha Diinta
Heesaha Caruurta
Sheekooyinka Caruurta
Bogga Wareysiyada
Nala soo xiriir
Heeso iyo Warar
xilka naga saaran ubadkeenna
Maaweelada Caruurta
Hooyadu waa barbaariyaha Ubadka
Soomalida Deggan Vågå (foogo) ee dalka Norwey

SOOMAALIDA VÅGÅ

 

 

   Vågå waa dagmo ka mid degmooyinka hoos-taga  Gobolka Oppland ee Dalka Norwey.

Tirada Dadka ku noolna waxaa lagu qiyaasay 3800 ilaa 4000 oo qofood.  Dadka intooda badan waa beeraley iyo xoolo dhaqato waxayna noloshoodu ku tiirsan tahay nolosha xoolaha iyo beeraha.  Kuwa aan lahayna beero ay tacbadaanna waxay noloshooda ka maareeyaan dhinca Shaqooyinka Dawladda  ee dagmada.  Dhalinyarada intooda badan waxay aadaan waxbarasho caruurtana waxay intooda badan lagu haayaa  goobaaha xannaanada Caruurta ee ay dagmada Vågå leedahay kuwaasoo ay waalidkood ka soo kaxeeyaan goortii ay ka soo dareeraan shaqooyin-maalmeedkooda.  Xilliyada uu jiro Jiilaalka (Vinter) dadku wuu shaqeeyaan iyagoo kuwooda dhaqda xoolaha u adeega xoolahooda innta kale ee aan lahayn xoolaha la dhaqdo waxay wataan shaqooyinka caadiga ah ee dagmada ay leedahay.

Dhinaca kale Xilliga Xagaaga dadku wax bey beertaan kuwooda ka shaqeeyana meelaha ay dagmadu leedahayna waxay galaan fasaxyo tan iyo innta laga gaarayo bisha Agoosto.  Balse xilliga Deyrta waxaa ay tahay  xilligii ay dhallaanku u dareeri lahaayeen goobaha waxbarashada.  Gugu isna waxaa lagu yaqaan dadku in ay neecaawsadaan ama ay isu diyaariyaan Xilliga Xagaaga oo innta badan dadku hadal haayo si aad ahna loo jecel yahay oo cid weliba ay is leedahay wax badan tar.

 

   Degmadu waxay leedahay Cusbitaal, goobo waxbarasho, goobo lagu xannaaneeyo Caruuta, xarun boolis, meelo laga dukaameysto hoteelo shaqeeya sida badan xilliga xagaaga, buuro dhaadheer oo ay ku faanaan dadka reer Vågå iyo goobo u adeega dadweynaha sida Boostada  isgaarsiin iwm.

 

   Dadka Soomaaliyeed ee ku nool degmadaan Vågå waxaa ay si aad ah u bartaan Luqadda Norwiijiga taasoo la`aanteed dadku uusan fursad u heleyn in uu ka qaraabto ilahaas aanu soo sheegnay.  Waxaase jira kuwa iyaga soo degay Degmadaani oo fsursad u helay in ay bartaan afka Norwiijiga oo ka shaqeeya meelo cayiman, waxaase jira dhalinyaro badan oo hadda galay barnaamij cusub oo la magac baxay introduksjon program(Barnaamijka Hordhaca) kaasoo la amaanay intii ka qeyb gashayna ay fursad fiican u noqotay si fiicanna uga faa-iideystay.

 

    Caruurta Soomaaliyeed, ee ku nool degmadaani Vågå waxaa iyana ay u dareeraan Goobaha waxbarashada iyo Goobaha Xannaanada waxaana la hubaa in caruurtaasi ay heli doonaan waxyaabo badan oo carbis u noqon kara howl maalmeedkooda ee la xiriira dhinaca Fiisikada.

Dhinaca dadka waaweyn waxaa jira kuwa aada waxbarashada dadka waaweyn oo iyagu barta luqadda Norwiijiga intoodii badnaydna way ka aflaaxeen oo maanta waxaa lagu tiriyaa kuwo aan u baahnayn in loo codsado Turjume (tolke).

 

 

Waa socotaa……………

 

 

Diyaariye:  Abdi Ali

Enter content here

Enter content here

Enter supporting content here