AQOON LA'AANI WAA IFTIIN LA'AANE.

aqoo.gif

Home
Bogga Arimaha Diinta
Heesaha Caruurta
Sheekooyinka Caruurta
Bogga Wareysiyada
Nala soo xiriir
Heeso iyo Warar
xilka naga saaran ubadkeenna
Maaweelada Caruurta
Hooyadu waa barbaariyaha Ubadka
Soomalida Deggan Vågå (foogo) ee dalka Norwey

ISLAAMKA IYO BARBAARINTA UBADKA
Qeybta 1aad

Islaamku wuxuu aabaha iyo hooyada ku waajibinayaa in ay u istaagaan barbaarinta ubadkooda oo ay lagama maarmaan tahay in ay ahaato barbaarin wanaagsan oo ku saleysan kalgacal iyo isku dunmid bulshadeed. Runahaantii barbaarinta ubadka yaryar lagu barbaariyo mabaadi’daa diinta Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan waa arrimaha ugu muhimsan ee had iyo jeer in la isku baraarujiyo loo baahan yahay. Barbaarinta wanaagsan ee ubadka la siiyo waa arrin muhimad weyn uleh bulshada lagama maarmaanna u ah nolosha ummadda ee waqtiga soo socda iyo horumarka qaranka. Ummaduhu waxaa ku kala hormaraan xagga akhlaaqda. Tarbiyada diiniga ah ee saxan oo qur ah ayaana suuragelin karta in akhlaaq wanaagsan la helo. Ubadku waa amaano waalidka luqunta u suran; waxaana loo baahan yahay in aabe iyo hooyo kastaba ay Ilaahey ka cabsadaan ay ubadkooda ku hanuuniyaan dariiqa wanaagsan.
Canug kasta wuxuu aabihiis xaq ugu leeyahay in uu ku dadaalo edbintiisa, barbaarintiisa iyo waxbariddiisaba; waana in uu magac wanaagsan u bixiyo.
Hooyada waxaa iyana laga rabaa in ay ku dadaasho canuggeeda kkkuna tarbiyeyso runta, amaanada, toosnaanta iyo akhlaaq kasta oo wanaagsan. Waxaa kale oo hooyada looga baahan yahay in ay canuuggeda jecleysiiso gacan siinta iyo u damqashada dadka kale. Sidoo kale waa in ay nuujiso muddada uu nuujinta u baahan yahay ayna si fiican u xannaaneyso.
Sidaa ay tahay hooyadu waa in ay canuggeeda koolkoolinta ka badin ayna garab ku siinin gefafkiisa haddii aabuhu doonayo in uu toosiyo ama canaantana waa in ay gacan ku siiso.
Ibnu Cabbaas (Allah ha ka raalli noqdee) waxaa laga weriyay in Nabeigu (N.N.K.H.A.) uu yiri: “laasima ubadkiinna edebtoodana wanaajiya”. Xadiiskan wuxuu waalidiinta ku waajibinayaa in kormeer joogo ah ku hayaan ubadkooda ayna si wanaagsan u edbaan. Aabayaasha iyo hooyooyinka waxaa laga rabaa in ay mar walba la socdaan ubadkooda guriga gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waa in ay jecleysiiyaan waxyaabaha wanwanaagsan necbeysiiyaanna waxyaabaha xun xun amaba ddhibaatadu ku jirto.
Waalidiintu waa in ay ubadkooda baraan aadaabta looga baahan yahay meelaha la isugu yimaado. Haddii xagga ilmaha uu ka yimaado fal aan fiicnen waa in lagu amaano, lagu dhiirrigeliyo laguna abaalmariyo; Haddii fal xun ka soo fulana waa in lagu dhaliilo laguna canaanto.
Islaamka iyo Barbaarinta Ubadka
Markii canuggu gaaro heer uu wax kala sooci karo, labadiisa waalid waxaa laga rabaa in canuggooda ay ka reebaan in uu ku darmo dadka ahlu sharta ah iyo kuwa akhlaaqdoodu halleysan tahay iyo in uu tago meelaha ciyaaraha xun xun lagu qabto iyo shineemooyinka lagu soo bandhigo aflaamta kharriban. Labada waalid waxaa kale oo laga rabaa in ay canuggoda jecleysiiyaan in uu ku mashquulo wixii faa’iido u leh xagga diintiisa iyo xagga adduunyadiisa. Sidoo kale waxaa labada waalid laga rabaa in ay ilmahooda qabadsiiyaan gudashada waajibaadka diiniga ah iyagoo baraya shuruudaha iyo adaabta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkaas. Rasuulkeennu (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Bara ilmihiinna salaadda marka ay gaaraan 7 sano kuna garaaca marka ay gaaraan 10 sano, kuna kala saara xagga jiifka”.
Marka waalidku uu ilmihiisa wanaagga ku tarbiyeynayo waxaa laga rabaa in uu u sameeyo waqti ay fursad u helaan isboortiga si ay nafis u helaan aysanna u dhibsan shaqada iyo waxbarashada.
Labada waalid marka ay ilmahooda tarbiyeynayaan waxaa laga rabaa in ay muujiyaan dhimrin, dabacsanaan iyo qallafsanaan la’aan. Saxiix al Bukhaari waxaa ku soo arooray in Rasuulku (N.N.K.H.A.) uu yiri: “Arrinna lagama helo dhimrin illowse wey qurxisaa, arrinna lagama siibo illowse wey fuulxumaataa”.
Sidaas darteed labada waalid waxaa laga doonayaa in ay ka feejignaadaan garaacista ilmaha iyo guulguulkooda, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in garaacista iyo guulgoolka ay raad xun ku abuuraan nafsadda canugga.
Haddiise ay labad walid u arkaan in canugga aan uu hagaageyn in la garaaco ama la guulguulo mooyee, markaas waxba kuma jabna garaacistiisa iyoguulguuliddiisa iygoon markaas ku talax tegeyn; waxaana reeban in garaacistu ay ka badato 3 jeer, maxaa yeelay waxaa la weriyay in Rasuulka (N.N.K.H.A.) uu kku yiri Mardaas oo macallim ahaa “ka digtonow in in aad 3 jeeer wax ka badan garaacdo, maxaa yeelay haddii aad sidaas yeesho Ilaahey ayaa kaaga qisaasaya”.
Garaacista badan waxay ilmaha sabab ugu noqon kartaa qalbi adeeg iyo caasinimo. Rasuulka (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Allaha u gargaro waalid ilmihiisa gacan ku siiyay in ay baarri u noqdaan”.

Waa Socotaa:

W/Q:  Abdi Hiddo

As we add new product lines, we may add additional pages to our site.

For example, if we sold sporting goods, we might include the following product lines:

Outdoor Goods
Indoor Goods
Water Activities

This month's special:

Product 1 (#2311)

zencomputers.jpg