Farbarashada iyo Tirabarashadu waxay
asaasi u yihiin barashada. Carruurtu waxay u baahan yihiin
xirfadaan si ay si kalsooniyi ku jirto ugu bartaan qayb kasta
oo ka mid ah manhajka waxbarashada iyo nolosha maalin
walba ah.
Farbarashadu waa
awooda wax lagu akhriyo, qoro,
hadlo laguna dhegaysto si wax ku oolla iyadoo aan laga
baxayn dhaqanka iyo caadooyinka jira.
Tirabarashadu waa
awooda loo isticmaalo fahamka
xisaabinta iyo xirfadaha si wax ku oolla iyadoo aan laga
baxayn dhaqanka iyo caadooyinka jira.
Marka bulshadu sii hormartaba, heerar sarre oo ah aqoonta
qoraalka iyo aqoonta tirada ayaa loo baahan doonaa si
carruurta loogu diyaariyo mustaqbilka.
Waa masuuliyada xubnaha bulshada
oo dhan - sida qoysaska, dugsiyada,
ganacsiga iyo bulshada guud ahaan
- si loo xaqiijiyo in ilma walbaa
yeesho xirfada lagama
maarmaanka iyo fahmida si uu
wax ku ool ugu noolaado
adduunkeena isbedelaya.
Waalidku waa ilmaha
macalinkooda ugu horreeya uguna muhiimsan wayna sii
wadaan caawimida barashada ilmahooda. Waalidka iyo
dugsiyada wada shaqaynayaa waxay u shaqayn karaan
horumarinta aragti la wadaago oo ku saabsan barashada.
Isku darida waaya-aragnimada guriga iyo tan dugsigu
waxay keeni doontaa asaas adag kaas oo lagu dhisi karo
barasho mustaqbil.
Macluumaadka loo isticmaalay akhrinta waxaa ku jira
qaabka, macnaha iyo malaha aragtida. Tani waa sida ilmuhu
ku barto sida loo isticmaalo iyaga - run ahaan sida qof
walbaa u isticmaalo iyaga.
Malay waxaa kaa hor yimid eray aadan aqoon oo ku jira
jumlad.
Waxay cawska dushiisa.
Waad ogtahay in ay waajib tahay in eraygu yahay ficil
aqoontaada qaabka afka. kani waa macluumaad
qaabsan.
Hadda fiiri jumlada hadalka ku jirta ee midaan ka
horaysa.
Lydia waxaa ka dhacay kubadeedii.
Waxay cawska dushiisa.
Khibrada aad u leedahay kubbadaha darteed waxaad
awoodi doontaa hadda inaad doorato eray ku haboon,
sida ‘soonoqotay’ ama waa ‘dilindlaysey’. Kani waa
macluumaad ku saabsan macnaha.
Lydia waxaa ka dhacay kubadeedii.
Waxay d cawska dushiisa.
Xarafka ugu horreeyaa wuxuu cadaynayaa malaynta in
eraygu yahay ‘dilindilaysay’. kan waxaa loogu yeeraa
macluumaadka aragtida.
Akhriyaha fiicani wuxuu isticmaalaa macluumaad kasta oo
lagu helli karo macnaha waxa qoran. Waa muhiim inaad la
socoto midaan si carruurta loogu dhiirigeliyo isticmaalida
kuwaas oo dhan si loo ogaado macnaha qoraallada ay
akhriyayaan.
Si sifiican loogu akhriyo, waa muhiim in carruurtu ogaadaan
magacyada iyo xarfaha iyo xiriirka u dhexeeya xarfaha iyo
dhawaaqa ay sameeyaan. kuwaan waxaa lagu bartaa
akhrinta iyo xaalladaha qorida. Carruurtu waxay u baahan
yihiin caawimo lagu meeleeyo xarfaha iyo dhawaaqyada ay
ku sameeyaan erayada ay akhriyayaan iyo qoritaanka
sidaas darteed waxay bartaan xiriiradaan.
4
Waa maxay akhrintu?
Akhrintu waxay macna u samaynta waxa daabacan oo ina
ku wareegsan sida buugaagta, magaasiinada, boostarka,
iidhehda, filimada iyo fiidiyowga, iyo kumbuutariska.
Fahmida sida carruurtu u barato akhrinta waxay kaa caawimi
doontaa inaad guriga kaalmo waxbarasho ku siiso ilmaha.
Kuwa si fiican wax u akhriya:
waxay filayaan in waxa ay akhriyaan macna sameeyaan
waxay malayn karaan qoraalka soo socda wuxuu yahay
waxay tijaabin karaan oo sixi karaan saadaalintooda
Akhrisku wuxuu khuseeyaa ogaanta:
mawduuca
sida afkeena loogu hadlo
qoritaanka la isku raacsan yahay -
ka bilaabida akhriska bidixda una
wadida midigta iyadoo laga soo
bilaabayo dusha hoosna loo soo
degayo.
dhawaaqa iyo xarfaha iyo sida ay
noqdaan markay qoran yihiin.
5
Waa maxay qoridu?
Waxaan isticmaalaa qoritaan si aan isu dhaafsano fikrado
iyo macluumaad. Innagoo qoritaan adeegsanayna waxaan
baarnaa fikrado, waxaan ku kaydinaa waxyaallo aan
samanay, waxaan ku wadaagnaa aragtiyaheena, waxaan
jecelahay iyo waxaan dareemayno.
Qorayaashu waxay filaan in qof doonayo inuu akhriyo wixii
ay qoreen -xataa haddii qofkaasi iyaga naftooda yahay.
Akhriyahaan runta ah ama mala awaalka ahi wuxuu
saamayn ku yeeshaa waxa iyo sida aan wax u qoro.
Gaar ahaan aad ayey muhiim u tahay in carruurta yaryari
yeeshaan awooda higaadinta iyo farqorida. Carruurtu waxay
u baahan yihiin kaalmo iyo dhiirigelin markay isku dayayaan
inay wax qoraan waqtigaan.
Barashadaani waa mida ugu fiican ee la yeesho marka
carruurtu ku hawlan yihiin hawl dhab ah sida hawsha qorida
warqadaha ama kaararka xuska
dhalashada. Carruurtu waxay
u baahan yihiin ina laga
caawimo markay
abuurayaan qoritaankooda ku
saabsan waxyaalla muhiima oo
noloshooda la xiriira.
6 7
Waa maxay ku hadlida
iyo dhegaysigu?
Ku hadlida iyo dhegaysigu waa halka saldhiga u ah barasho
dhamaanteed, sida akhriska iyo qoritaanka, ayaana loo
isticmaalaa ujeedooyin badan. Hadalka waxaa loo
adeegsan karaa in kuwa kale la dhexgalo, si ay wax u
qabsoomaan, wax loo hello, si fiicana loogu fahmo, isuna
dhaafsano waxaan ognahay dareenkeenana u sharaxno.
Guriga, carruurtu waxay la hadashaa dadka ay yaqaaniin
iyagana yaqaan. Sababtoo ah qoysasku waxay wadaagaan
wax la isla wada yaqaan, mana aha in wax kasta si
faahfaahin ah looga hadlo. Hadalka badankiis wuxuu ku
saabsan yahay munaasabadaha maalinimada wuxuuna ka
dhexeeya ilmaha iyo dadka waaweyn ama carruurta
da’doodu kala duwan tahay.
Carruurta ku jirta sanadahooda hore waxay horayba u
isticmaali doonaan inta badan qaabka naxwaha afkooda u
horreeya, iyagoo isticmaalaya sida ay u dhigaan hadalka
kuwa iyaga ku wareegsani. Carruurta badankeed waxay
baran doonaan isticmaalida hadalka si ay u sameeyaan
waxyaalla ay ka midka yihiin majaajilo, sheegida
sheekooyin, la qaybsiga sheeko iyo bixinta awaamiirta.
Dugsiga, carruurtu waxay la hadlaan dad aanay si fiican u
aqoon - badanaana mawduucyo aan caadi ahayn. Waxaa
jira carruur badan oo ay isku da’yihiin waxayna, koox ahaan,
wax dhegaystaan mudda dheer.
Carruurta leh khibrada dhegaysiga sheekooyinka kana
hadla, lehna fursada ay kaga hadli karaan khibradaas iyo
aragtiyahaas, dhegaysiga iyo maqalku sahal ayuu u noqon
doonaa dugsigu.
Carruurta Ingiriisku u yahay afkooda labaad waxaa laga
yaabaa inay ku qaadato waqti inay yeeshaan xirfada
farbarashada Ingiriiska. Waa muhiim in la dhowro afka
labaad ee ilmuhu ku hadlo. Waalidku waxay ka
qaybqaadanayaan horumarka aqoonta ilmaha markay
guriga wada joogaan iyagoo afkooda kula hadlaya.
Dear mum
8 9
Carruurtu waxay
bilaabaan adeegsiga
xeellada badan oo kala
duwan
markay
akhriyayaan ama
qorayaan. Waxay
isticmaali karaan
macnaha, qaabka iyo
adeegsiga aragtida
macluumaadka si ay xal
ugu hellaan erayada ay
akhriyayaan. Waxay
baranayaan noocya
badan oo kala duwan
(sida sheekooyin,
macluumaad run ah,
awaamiir iwm).
Waxay qoraan waxyaalla
badan, badanaa iyagoo
isla hadlaya si ay uga
caawinto qorshaynta iyo
dib-u-eegida
qoritaankoodii. Waxay
akhriyi karaan qorina
karaan erayada guud,
sida Can ‘have a go’
hagaadinta erayada aan
la aqoon waxayna sixi
karaan naftooda markay
lumiyaan macnaha
akhriskooda iyo
qoritaankooda.
Ugu damaynta
carruurtu si fiican ayey
u akhriyi karaan una
qori karaan.
Waxay
bartaan inay isku
dhibaan markay
akhriyayaan qorayaana
qoraalla soo adkaanaya
waxayna isticmaalaan
xeellado badan markay
qorayaan ama
akhriyayaan eraya ku
cusub.
Waxay sii wadaan
akhrinta iyo qorida kuwa
dhaadheer iyo qoraalla
adag oo ay aqoonsan
karaan waxayna qoraan
erayo badan, waxayna
isticmaalaan qaababka
naxwaha sida joogsiga,
hakadka iwm. Waxay sii
wadaan barashada,
waxayna si qota dheer
uga fekeraan qoraalka ay
akhriyaan ama qoraan.
Sidee farbarasho
ku hormartaa?
Carruurta bilaabaya
akhrinta iyo qoridu
waa
baranayaan sida buuggu
u shaqeeyo, halka
sheekadu ka bilaabato
kuna dhamaato iyo sida
daabicidu u socoto (kor
ilaa hoos, bidix ilaa
midig). Waxay jecel yihiin
buugaagta waxayna ku
raaxaystaan
doorcayaarida, akhrinta
waxyaallaha xiisaha leh
ee qadiimka ah. Erayada
qaarkood horay loo
yiqiina waa la gartaa.
Waxay baranayaan in
aragtidooda iyo
fikradooda la qori karo.
Waxay tijaabiyaan
sawirida iyo
calaamadaynta
warqadaha iyo
astaamaha kale, iyo
yeerinta macluumaadka
si qof kale u qoro.
Dhisida khibradahaan
hore,
carruurtu waxay si
isa soo taraysaa u
arkaan in macluumaadka
qoran iyo aragtiyuhu
sidaan fariin joogta ah.
Waxay bilaabaan inay
barbardhigaan erayada
qoran kuwa lagu hadlayo
iyo barashada
alifbeetada iyo
dhawaaqa ay
sameeyaan. Sawiraduna
waxay ka caawimaan
inay fahmaan sheekada.
Carruutu waxay
isticmaalaan xarfaha la
isla ogol yahay, iyagoo
ku tashanaya dhawaaqa
la yaqaan ee erayada ay
qoraan. Waxay jecel
yihiin inay wax ka qoraan
khibradooda gaarka ah
waxayna ku raaxaystaan
ku muujinta
qoritaankooda dadka
iyaga noloshooda
khaaska u ah.
Marka buugga uu ilmahaagu akhriyo, adeegso 3p -
Pause, Prompt, Praise
(macnehoodu waa hako, ka
keenid, u mahadcelin) si aad u caawinto:
Pause waa haddii aadan
hubin; sug xoogaa.
U ogolow ilmuhu inuu sawirka iyo erayada eego si
ilmuhu macnaha u garto.
Prompt macneheedu waa
siinta ilmaha wax astaana
ama ku dhiiri geliya inuu ku dhowaado iskuna dayo.
Weydii suáallo sida eraygee macna samaynaya?
Maxaa u dhawaaqi kara sax? Maxay ka bilaabataa?
Praise Macneheedu waa
uga mahadceli ilmaha
dadaal kasta. Haddii ilmuhu aanu hubin isku-day ka
dib, u sheeg erayga si aanay u lumin macnaha
sheekada.
Qaabka loo adeegsanayo
Pause, Prompt, Praise soo
gaabi, si aadan sheekada u joojin. Ku raaxaysiga iyo
fahmida buugga ayaa ah waxa ugu muhiimsan.
10 11
Sidee ku kaalmayn kartaa
horumarka qorida iyo
akhrinta ilmahaaga?
Isla sida waalidku ku dhiirigeliyaan ilmaha markay
baranayaan gurguurashada, socodka iyo hadalka, ayay
awoodaan inay si firfircoon u sii wadaan la socodka ilmaha
markuu dugsiga joogo.
Samay waqti khaasa oo aad maalin walba wax afkaaga ama
afka Ingiriiska ugu akhrido ilmaha. Waa inay ahaatee waqti
farxad leh ee maalinta markaas oo aad kuwada
raaxaysanaysaan akhrinta. Iyadoo ku xiran sida buugga loo
yaqaan, heerka adaygiisa waxaad goáan ka gaari kartaa
haddii buugga:
loo akhriyayo ilmaha
lala akhriyayo ilmaha
akhriyayo ilmuhu
U akhrinta ilmahaagu waxay tusaysaa ilmaha sida akhrisku
u shaqeeyo looguna raaxaysto qiimana u leeyahay.
Kor u akhrintu waxay dhistaa kalsoonida akhrinta ee
ilmahaaga taas oo laga yaabo inay adag tahay in ilmuhu
kelidiis sameeyo.
12 13
Tus
ilmahaaga inaad qiimaynayso
akhrinta iyo
qoritaanka. Ula hadlida si sahlani waa ‘waxtar’.
Wadajir uga
Akhriya
waxa qoran:
-dukaanka wax laga gato
-telefishanka
-calaamada wadada, dukaamada, bilyaardiga
-shaashada kumbuyuutarka.
U Sharax
waxaad samaynayso markaad
buuxinayso foomka, liisto samaynayso, qorayso
waxaad xasuusanayso, fariin dhaafayso, qorayso
kaararka iyo warqadaha, balansamaynayso,
iwm.
Ka qaybgeli
ilmahaaga qoritaanka
kaarka xuska dhalashada, warqadaha
mahadcelinta, dalbida qadada iyo astaamaha, iyo
wax ka dhihida sheekooyinka, ballan samaynta
iwm.
Sii
ilmahaaga qalmaan, qalin rasaas,
qalmaanta midabaynta iyo warqad.
Muuji
xarfaha alifbeetada sida saxda
ah -
kuwaan waxaa laga helli karaa dugsiga
ilmahaaga.
Ku Hees
alifbeetada kuna luuqay
‘I spy’.
Kula Cayaarida
carruurta cayaaraha
erayada sida Scramble iyo dhisida qaamuuska
qofeed.
Ka Hadal
erayada, siday u egyihiin,
dhawaaqa iyo macnaha.
Xubin ka noqo
maktabadaada si
joogta ahna u booqo.
Ku dheji
firiijka xarfaha birlabka
leh (kuwa
ku dhega meelaha birta ah).
Markay baranayaan waxa cabirka ku saabsan, carruurtu:
Waxay sharxaan isticmaalaana cabiraada aan rasmiga
ahayn - waxa gacanta laga qabto, malgacad, iwm, iyo
qiyaasida sida mitirka, litirka, maalmaha, si loo cabiro
cufka, mugga iyo waqtiga.
Markay baranayaan waxa booska ku saabsan, carruurtu:
waxay baaraan qaabka iyo walaxda - kuwa ku nool
adduunyada ina ku wareegsan; laba iyo saddex
qiyaasood ee qaabka jowmitiriga
raadinta isu ekaanta iyo naqshadaha (wajiyada,
caleemaha iyo dhismaha)
tilmaan bixinta iyo akhrinta iyo sawirida khariidada
sahlan.
Markay baranayaan waxa ku saabsan ixtimaalka,
macluumaadka, carruurtu:
waxay ka fekeraan, ka hadlaan ayna masalaan
waxyaallaha dhici kara (masalan, qof booqasho ku
imanaya)
ururi, kala saar oo siday isu leeyihiin isu raaci
samay oo tarjun garaafyada sahlan.
15
Barashada ku saabsan
nambarka, cabiraada,
boos, ixtimaal iyo macluumaad
Marka la baranayo xisaabaadka, carruurtu waxay yeeshaan
garashadooda nambarka, cabiraada, booska, ixtimaalka iyo
macluumaadka.
Markay baranayaan nambarka, carruurtu:
waxay fiira u yeeshaan kana hadlaan qiimaha nambarka
meelaha kala duwan ku jira (sida 6da ku jirta 26da iyo
67da)
qiyaasida cadadka iyo u tirinta horay iyo gadaal.
ku darida, ka gooynta, ku dhifasahda iyo isu qaybinta
nambarada ku jira meela kala duwan.
14
16 17
Kuwa yaryar ee ku jira
tirabarashadu
waxay
ogaanayaan magacyada
iyo nambarada qaarkood
waxayna awoodayaan inay
qoraan nambarada. Waxay
aqoonsan doonaan
degaanka ku wareegsan si
xamaasad leh - in kastoo
aanay sax ahaanayn
marwalba - dheh qaar ka
mid ah magacyada
nambarka si isku xigta.
Way ogyihiin in waxyaalla
noloshooda ku lug leh lagu
qeexo cabiraad
- sida
gabadhu waa iga dheer
tahay anniga.
Waxay
aqoonsadaan waxay
iskaga mid yihiin iyo waxay
ku kala duwan yihiin, sida
meelaha,munaasabadaha
- Gurigani waa kaayaga
oo kale laakiin albaabku
dhinaca kale ayuu kaga
yaalla.
Carruurtu waxay
aqoonsadaan oo
isticmaalaan afka meeleed
oo iyaga la xiriiriya
-
waxaan gacantayda
saarayaa madaxayga
dushiisa.
Dhisida khibradahaan
hore,
carruurtu waxay
barataa in nambaradu
joogta yihiin waxayna u
sheegaan nambarka si
joogta ah iyagoo isku xiga
marka horay ama gadaal
loo tiriyo. Waxay si sax ah
u tiriyaan walaxya yaryar
oo kooxa ah, waxayna
adeegsadaan aqoontooda
ku darida iyo ka goynta si
aan rasmi ahayn nolol
maalmeedkooda.
Waxay baranayaan in
walaxya badan iyo
munaasabada noloshooda
la xiriirta la cabiri karo
-
waxaan aadnaa dabaal
jimcayaasha.
Waxay aqoonsan karaan
qaababka waxayna ka
fekeraan wixii ku saabsan
boos, dhaqdhaqaaq barta
ay ku nool yihiin
- waxaan
saf ku galnaa meesha u
dhow jaranjarada.
Waxay kala saari karaan
munaasabadaha dhici
kara iyo kuwa aan dhici
karin.
Carruurtu waxay soo
yeeshaan kalsooni
markay isticmaalayaan
nambarada. Waxay
aqoonsan karaan
fahmaana qiimaha
nambarku ku leeyahay
meelaha kala duwan, sida
qiimaha nambar 5 ee 45
iyo qiimaha shan ee 459.
Carruurtu waxay u tirin
karaan horay iyo gadaal
laba laba, shanshan iyo
toban-toban. Waxay
baranayaan habka
iskudhifashada, kala jarida
iyo isu qaybinta si loo
xaliyo suáallaha runta ah.
Waxay cabiraan
munaasabadaha iyo
walaxda, iyagoo
isticmaalaya halbeeg
xisaabeedka asaasiga ah
sida mitir, saacad iyo
garaam. Waxay si kalsooni
ah u awoodaan kala
saarida iyo matalida
macluumaadka.
Sawiridoodu waxay
muujisaa fahmid qota
dheer oo ku saabsan
qaabka iyo meesha
- tani
waa wadada aan ku
imaado dugsiga.
Ugu damayn, carruurtu
waxay xaliyaan suáallaha
adag kuwaas oo leh
nambara badan iyadoo
loo marayo wadda
hagaagsan.
Waxay fahmeen oo si sax
ah u isticmaalaan
halbeegyada cabirida sida
sanadaha, mitirada iyo
kiilogaraamka. Waxay kala
saari karaan waxa dhici
kara, had iyo jeer, laga
yaabo, marnaba.
Waxay arki karaan
matalaana fikrada
meeleed adag sida
akhrinta iyo sawirida
khariidad, waxayna
aqoonsadaan oo
isticmaalaan qaababka
guud si loo sameeyo
habab iyo naqshado.
Sidee tirabarashadu
ku hormartaa?
Sidee u caawimi kartaa
horumarka
tirabarashada ilmaha?
Xaallada maalmeed badan ayaa la xiriira xisaabaadka.
Kalsoonida iyo habsami u dhaqmiduna waa muhiim.
Ka caawin ilmahaaga inuu ku raaxaysto barashada ku
saabsan xisaabaadka iyagoo lagu dhiirigelinayo inay ka
hadlaan kana jawaabaan suáallaha. Waxaad ku dhiirigelin
kartaa ilmahaaga inay gartaan naqshada, qaababka,
baaxada, siday wax isugu xigaan iyo nambarada guriga iyo
adduunka nagu wareegsan.
Marka lagala hadlayo ilmahaaga xisaabaadka:
Pause - sug dhowr ilmiriqsi
haddii ilmuhu aanu hubin.
Sii waqti ay kaga fekeraan waxay samaynayaan.
Prompt - ku dhiirigeli
inay u eegaan si feejigan oo
isku dayaan
“ii sheeg.....”
“Maxaad ka ogtahay ....”
“I tus sida .....”
Praise - uga mahadnaq
kuna dhiiri geli. Ka caawin
adigoo u sheegaya xisaabaadka xiriirka la leh.
18 19
Raadi
, hana ka qayb galo ilmahaagu
xisaabta la
adeegsado maalin walba sida:
-tirinta lacagta dalbashada qadada ama
gadashada guud.
-tirinta walax kooxkoox kala ah
-telefishanka iyo internet-ka
-cabirida waxa la karinayaa waxay ka kooban
yihiin.
-qorshaynta munaasabadaha iyadoo la
isticmaalayo kaalandar
-qiyaasida waqtiga iyo dhererka safarka gaariga
-bixinta iyo raacida tilmaanta
-kala saarida waxa wax lagu dhaqo,
boonbalooyinka, badhamada
-isticmaalida kaalandarka iyo xusuus
qorka.
Kala hadal
waxa dhacay sida:
-waqtiya kala duwan oo maalinta
-maalin kasta oo asbuuca ka mid ah
-bil walba oo sanadka gudahiisa ka mid ah.
Isticmaal
alaada xisaabinta (kalkulaytor)
si
aad ugu cayaartu nambarada aadna u hubiso
jawaabaha - ma samayn kartaa 12? aan labalaba u
tirino.
Samay
Jigsaw basal, isticmaal LEGO
iyo qalab
kale si loo dhiso dhisma dheer iyo qaabab kale.
sawir qaababkaan.
Ku celiceli
horay iyo gadaal u tirinta,
adigoo
ka bilaabaya nambara kala duwan.
Cayaar
cayaarta ay ka midka yihiin
Snake and
Ladders, Monopoly, Card Games, draughts, iyo
dominoes.
Kala hadal
ilmahaaga waxa ku dhici
kara
ilmaha noloshiisa berrito, sida waxa laga yaabaa in
roob daó maanta.
Sidee horumarka ilmaha
loola socdaa?
Marka lagu jiro sanadaha xadaanada ilaa fasalka afraad,
ilmahaagu wuxuu ka qayb qaadan doonaa
Barnaamijyada
Sanadaha Hore ee Farbarashada iyo Tirabarashada.
Barnaamijyadaani waxay ahaanayaan kuwa joogta u
qiimaynaya ardada dhamaanteed, iyadoo la isticmaalayo
dariiqooyin badan, kuwaas oo u suurtageliyey macalimiinta
inay u kuur galaan barashada ilmaha.
Manhajka iyo Heerka Qaabdhis-meedku
(Curriculum
and
Standards Framework) waa asaaska dhamaan qorshaha
dugsiyada Fiktooriya ku bixiyaan manhajkooda kulana
socdaan waxa ardadu faaiidaysteen. Wuxuu sharaxaa waxa
ay tahay in ardadu ogaadaan ayna awoodaan inay ku
sameeyaan meella kala duwan inta u dhexaysa heerka
bilawga ah ilaa sanadka 10aad.
Sanad kasta dugsigaagu wuxuu
bixin doonaa ugu yaraan laba
warbixinood oo qoran oo ku
saabsan horumarka ilmahaaga iyo
fursada ah ugu yaraan hal waraysi oo
ah kulanka macalinka iyo waalidka. Waa
inaad la xiriirtaa ilmahaaga dugsigiisa haddii,
mar uun, aad ka welwelsan
tahay horumarka
ilmahaaga.
Farbarashada iyo
tirabarashada shanta sano
ee ugu horraysa waxbarshada
Muhiimada horumarinta carruurta awoodooda asaasiga ah
ee farbarashada iyo tirabarashada sanadaha hore ee
dugsiga (xadaanada ilaa sanadka shanaad) waxaa laga
aqoonsan yahay adduunka oo dhan. Baaritaan caalami ah
ayaa lagu ogaaday in carruurta kaga baxda dugsiga
sanadaha hore iyagoo aan awoodin akhrinta,
qoritaanka ama habsami u samaynta
xisaabaadka asaasiga ah badankood la kulmaan
dhibaato xagga horumarkooda mustaqbilka.
Dugsiyada adduunka oo dhami waxay dadaal ugu
jiraan wanaajinta waxbarashada ilmaha ee meelaha la carab
baabay.
Istaraatiijiyada Sanadaha Hore
waa qorshe Wasaarada
Waxbarashada, Shaqada iyo Tababarka Fiktooriya ku
wanaajinayaan barashada farbarashada iyo tirabarashada
ilmaha ee sanadaha hore ee dugsiga. Waxaa ku jira
Barnaamijka Farbarashada Sanadaha Hore
iyo
Barnaamijka Tirabarashada Sanadaha Hore
iyo weliba
Barnaamijka Dib-u-yeelashada Akhrinta
, barnaamijka
hawl
qabashada qofqofka ah ee carruurta sanadka 1aad ku jirta
kuwaas oo qaba dhibaato la xiriirta akhrinta.
Barnaamijku wuxuu ka tala bixiyaa dugsiyada meelaha
muhiimka ah sida barnaamijka tirabarashada iyo
farbarashada fasalka, ka qaybgalka waalidka ee
waxbarashada ilmahooda iyo horumarinta xirfada
macalimiinta.
20 21
Waxaad samaynayso
haddii aad ka welwelsan
tahay ilmaha horumarkiisa
Waa muhiim in lala sameeyo xiriir ilmahaaga macalinkiisa
ama xiriiriyaha Sanadaha Hore ee dugsiga si loogala hadlo
wixii dareena ee laga qabo horusocodkiisa waxbarasho.
Waxaa laga yaabaa in dugsigu abaabulo barnaamijka
hawlwadaaga Kooxda Kaalmaynta ee Guri-Dugsiga carruurta
loo arko inay u baahan yihiin kaalmo siyaada ah. Kooxdaan
waxaa ku jiri doona macalinka ardayga, xiriiriyaha
barnaamijka sanadaha hore, iyo kuwa kale sida macalinka
Dib-u-soocelinta Akhriska ama macalinka barnaamijka
Ingiriiska oo ah luqa Labaad ahaan (ESL). Waalidku waxaa
laga yaabaa inay keenaan saaxiibo ama qaraabo xiisaynaya
fadhiyadaan haddii ay doonayaan. Kooxdu waxay u kulmi
doonaan si joogta ah si ay wada jir ugu shaqeeyaan una
hellaan dariiqa ay ku sii kaalmeeyaan ilmaha kulana socdaan
horumarkooda.
Barnaamijka Kooxda Kaalmaynta ee Guri-Dugsigu waxay
diyaarin doonaan Qorshaha Wanaajinta Barashada Qofeed.
Waxay dhigi doonaan hadafyo xaqiiqada ku dhisan ee
ilmaha waxayna ka hadli doonaan istaraatiijiyooyin iyo
xarakaad lagu kaalmaynayo ilmaha guriga jooga iyo kan
dugsiga jooga.
Iyadoo qayb ka ah Qorshaha Ka qaybgalka ee Waalidka,
barayaasha dugsigaaga ayaa laga yaabaa inay kula soo
xiriiraan si ay wax badan uga ogaadaan adiga iyo
ilmahaaga.
Ka faaiidayso fursadaan si aad ula wadaagto wixii aad ka
ogtahay ilmahaagu wuxuu xiiseeyo, khibradaha,
farbarashada iyo xirfada tirabarashada iyo hab dhaqanka si
macalinku u hello sawir sax ah oo ku saabsan ilmahaaga si
barte ah. Sidoo kale waa muhiim inaad u ogolaato macalinka
inuu ogaado rajada iyo dareenka sidaas darteed wadajir
ahaan waad u wada shaqayn kartaan si aad u caawinto
baahida ilmahaaga.
Waxaad codsan kartaa hayáda afcelinta iyo tarjumida
qoraalada si aad ula xiriirto dugsiga ilmahaaga.
23
Dhamaan carruurta gelaysa dugsiga waxaa qiimeeya
macalimiinta sanadaha hore ee dugsiga.
Nadaamka
Qiimaynta Gelitaanka Bilawga
ahi wuxuu caawimayaa
in
goáan laga gaaro baahida ilma walba ee farbarashada iyo
tirabarashada si loo xaqiijiyo in qorshe loo sameeyo
dhamaan carruurta, khaasatan kuwa khatarta ugu jira in
aanay horusocod samayn.
Ilmahaaga dugsigiisu wuxuu isticmaali doonaa
Heerarka
Ugu Hooseeya ee Dhamaan-Gobolka
(Statewide Minimum
Standards) Fiktooriya si ay u xaqiijiyaan in ilmahaagu hello
heerka ugu hooseeya ee akhrinta dhamaadka sanadkooda
bilawga ah iyo dhamaadka sanadka 1aad.
Barnaamijka ilmaha horumarkiisa lagula soconayo ee loo
yaqaan
Achievement Improvement Minimum Standards
(AIM)
ayaa la adeegsan doonaa si loo qiimeeyo arday
walba
aqoontiisa farabarashada iyo tirabarashada taas oo la
jaanqaadaysa
Manhajka Heerka Qaabdhismeedka iyo
ardada
Heerka ugu Sarreeya Farbarashada iyo
Tirabarashada Qaranka
(National Literacy and Numeracy).
waxayna ku yeellan doonaan horumar wax ku oolla dugsiga.
Natiijooyinkaan qarsoodiga ahi waxay siin doonaan waalidka
iyo macalimiinta cabiraad siyaada ah oo madaxbanaan isna
soo taraysa, macluumaadna ka bixinaysa meelaha carruurtu
kaga faaiidaysan karaan loolanka adag ama caawimaada
siyaadada ah.
Buugani waa qoraalla
taxana ah oo loo
qoray waalidka leh
ilmaha ku jira
Sanadaha Hore ee
Waxbarashada.
Diyaariye: Abdi Ali.