AQOON LA'AANI WAA IFTIIN LA'AANE.

Sheekooyinka Caruurta

Home
Bogga Arimaha Diinta
Heesaha Caruurta
Sheekooyinka Caruurta
Bogga Wareysiyada
Nala soo xiriir
Heeso iyo Warar
xilka naga saaran ubadkeenna
Maaweelada Caruurta
Hooyadu waa barbaariyaha Ubadka
Soomalida Deggan Vågå (foogo) ee dalka Norwey

DAWACO IYO WARAABE

 

Beri baa waxaa saaxiib ahaa Dacawo iyo Waraabe. Waxaa layidhi, Waraabuhu xoolo badan ayuu lahaa, laakiin dacawadu wey xoolo yarayd. Dacawada oo Soomaalidu ay ku tilmaanto in ay caqli badan tahay, ayaa Waraabihii waxay la yeelatay xidhiidh wanaagsan, ujeeddaduse wey ka duwanayd midda xidhiidhkooda saaxiibnimo. Waraabihii wuxuu go'aansadey in ay is guursadaan isaga iyo Dawacadu, ayaduna waxba kama diidin oo wey ka ogolaatey codsigii, waaney is guursadeen.

Maalintii danbe ayaa Dawacadii ka war heshay in Libaax uu raadinayo qof xoolaha u raaca. Markaasey tidhi, "war Libaax, xoolihii wax kuu raaca ma heshey." Markaasuu yidhi, "maya." Intey iska dhigtey wax ka naxaya, ulana haddashey si naxariisle ayey ku tidhi, "Iska seexo anaa kuu raaci xoolaha maante!" Libaaxii wuu oggolaaday, wuxuuse kula dardaarmey in ay xoolaha sifiican u raacdo ha ka werwarin ayey ku jawaabtey, Libaaxiina wuu iska seexday.

Dacawadii waxay cuntay neefkii ugu shishlaa xoolaha libaaxa, cad yar ayey soo qaadday oo intey u timi waraabihii oo hurda afka u marmarisay hilibkii dhiigiisii, oo iskaga tagtey. Waxaa u yimi libaaxii dawacadii oo xoolihiisii la joogta, markaas ayuu xoolihii tiriyey. Waxaana maqnaadey neefkii ugu shishlaa xoolaha, libaaxii wuxuu waydiiyey dacawadii halka uu neefkii jiro, waxay ku tidhi, "waxaa cunay Waraabe, markii aan isku dayey in aan ka celiyo, wuu diiday waanu ila dagaalamey."

Libaaxii wuxuu u tagay waraabihii oo hurda, markaasuu arkey waraabihii oo afka dhiig ku leh. Markaas ayuu libaaxii rumaystay waxay dawacadu sheegaysay oo cunay waraabihii. Dacawadii sidaas ayey ku dhaxashay xoolihii waraabaha oo dhan.

 

Waxaa soo diyaariyey: Abdi Ali(Abnooor)

Heshiis dhexmaray warabe iyo libaax

 

Beri baa waraabe iyo Libaax wada shireen. Waraabihii ayaa Libaaxii ku yidhi "aan xoolo dhaqano?"
Libaaxii wuxuu ku jawaabey "waayahay ee sidee ayeynu u dhaqanaa ilayn innagu xoolo malihine?"
Waraabihii "Halka aynu habeen walba wax aynu dhacno raadinayno ee khatarta aynu gelayno. Mar keliya hal habeen aynu tamarteena isu geyno oo xoolo (geel, lo,adhi) aynu dhaqano dhacno".
Libaax - "Markaa ayuu xoolo badan isu keeno, sidee habardugaagga kale uga badbaadinaynaa? Amma habkee u dhaqaynaa?
Dhurwaagii -"Meel kayn badan leh ayeynu xero uga oodaynaa, waanaynu daajindoonaa. Dabadeed way tarmi oo waynu heli waxaynu cunno. Waynu u sheegidoonaa intaynu isugu yeedhno, inaynu xoolahaa leenahay oo aanay u dhawaanin waayo adna boqorkii habardugaag ayaadtahay anna ku xigeenkaagii. Markaa u dhawaanmaayaaan xooleheenna, summadna waynu ku dhigan".

Goor waaberi ah ayaa reero guuraya ayey dabagaleen. Waxay arkeen geelii oo barbaari illaalinayso iyo awrkii baarqab oo hareerta ka socda. Dabadeed way ka cabsadeen oo dhinacii kale ayey u leexdeen. Waxay arkeen Lo´diina raggii waaweynaa ayaa wada, iyana waa ka baydheen. Adhigii oo dumarkii iyo caruurtii wadaan ayey dabagaleen. Halkaas lafteeda fursaad ayay ka waayeen, laakiin Lax duq ah ayey qabsadeen oo kaxaysteen.

Laxdii xero ayey u oodeen, labada dhinacna waa ka kala fadhiisteen. Waraabihii ayaa ishaynkariwaayey markay muddo saacada ah fadhiyeen oo gaajooday. Wuxu yidhi -"Boqor libaax, lax keliya inna anficimaysee ciil ciil ma ku hayaa?

Libaax - "Goorahanba caajis ayaai hayey ee maxay kula tahay?"
Dhurwaagii - " xoolo badan waynu helidoonaayey aynu cunno tani".
Dabadeed laxdii way kala goosten.

    Waxaa soo diyaariyey: Abdi Ali (Abnoor)


 

CIGAAL IYO JIRID

 

Bari waxaa jirey nin la yidhaahdo Cigaal Shiidaad. Wuxuu ku caanbaxay fulaynimo. Habeen habeenada ka mid ah ayuu guure galay. Wuxuu arkay geed jiridii oo ka muuqata meel ku beegan hortiisa. Cigaal wuxuu u maleeyey Libaax wadada fadhiya oo isaga gaadaya. Gaashaankiisii iyo warankiisii ayuu la diyaar garowbay, oo ku qayliyey, yur-yur, yur-yur. Wallee aniga Libaaxow caawa i ma dagtid geedna iskagama kay dhigtid. Habeenkii oo dhan wuxuu ku jirey feejignaan uu Libaaxa iska eegayo, hase ahaatee markii waagii baryey ayuu wuxuu arkay, wuxuu Libaax u maleynayey oo aan Libaaxba ahayn. Illeen geed jiridii ayuu difaac kula jirey habeenkii oo dhan.

Isaga oo yaaban wuxuu yidhi, "Geed-yahow ma waxaan ku mooday, mise waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon doonin. Waxaan ku mooday libaax, waxaadse noqotay Jirid, waxaanse loo noqon doonin guure habeenimo."

° ° ° ° °

Dulucda sheekada:

Ha noqon fule waxkasta ka baqda.

Waxaa Soo diyaariyey:  Abdi Ali

JIIR (DOOLLI)

Beri baa waxaa jiray Jiir badan (Doolli). Maalin maalmaha ka mid ah ayey isa soo raacey markaas ayey yimaadeen guri Bisado (Mukulaalo) leeyihiin oo aad u qurux badan, ayna yaalaan bootaro (Boolbaro) midabo badan leh. Mid ka mid ah Jiirkii ayaa marsadey midab dahabi ah, dabadeedna wuxuu isku eegay (fiiriyey) muraayad guriga u dhextiil Bisadaha. Jiirkii aad ayuu isula dhacay oo isku maleeyey in uu dahab ka kooban yahay. Jiirkii kale ayaa arkay Bisadihii oo soo socda, oo intay ugaadhsi tageen soo hungoobay.

Jiirkii badnaa waxay u digeen saaxiibkood oo ay ku yidhaahdeen, "waar inaga keen meesha Bisadihii waa kuwane." Jiirkii wuu is dhaga tiray oo wuxuu sii watey ciyaartii iyo bood boodkii. Bisadihii ayaa u soo galey isaga oo muraayadii isku daawanaya. Si dhib yar inta ay u qabteen ayey cuneen. Waxayna yidhaahdeen ma maanta ayuu Jiir gurigii noogu soo galey, annaguna duurka ayaan ka raadinaynay wakhti dheer. Jiirkii saaxiibadii talada ka qaadan waayey halkaas ayuu ku dhintay. Maahmaah Soomaliyeed ayaa tidhaa, "talo walaalkii diide, turunturo ma waayo."

° ° ° ° °

Dulucda sheekada:

Haddii aad dhegaysato ehelkaaga iyo saaxiibadaa, waxa aad ka nabad gali kartaa dhibaatooyin fara badan.

 

Waxaa soo diyaariyey: Abdi Ali.

waxaa goordhow inoo soo socda qormo cusub