|
 |
ISLAAMKA IYO BARBAARINTA UBADKA Qeybta 1aad Islaamku wuxuu aabaha iyo hooyada ku waajibinayaa in ay u istaagaan
barbaarinta ubadkooda oo ay lagama maarmaan tahay in ay ahaato barbaarin wanaagsan oo ku saleysan kalgacal iyo isku dunmid
bulshadeed. Runahaantii barbaarinta ubadka yaryar lagu barbaariyo mabaadi’daa diinta Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan
waa arrimaha ugu muhimsan ee had iyo jeer in la isku baraarujiyo loo baahan yahay. Barbaarinta wanaagsan ee ubadka la siiyo
waa arrin muhimad weyn uleh bulshada lagama maarmaanna u ah nolosha ummadda ee waqtiga soo socda iyo horumarka qaranka. Ummaduhu
waxaa ku kala hormaraan xagga akhlaaqda. Tarbiyada diiniga ah ee saxan oo qur ah ayaana suuragelin karta in akhlaaq wanaagsan
la helo. Ubadku waa amaano waalidka luqunta u suran; waxaana loo baahan yahay in aabe iyo hooyo kastaba ay Ilaahey ka cabsadaan
ay ubadkooda ku hanuuniyaan dariiqa wanaagsan. Canug kasta wuxuu aabihiis xaq ugu leeyahay in uu ku dadaalo edbintiisa,
barbaarintiisa iyo waxbariddiisaba; waana in uu magac wanaagsan u bixiyo. Hooyada waxaa iyana laga rabaa in ay ku dadaasho
canuggeeda kkkuna tarbiyeyso runta, amaanada, toosnaanta iyo akhlaaq kasta oo wanaagsan. Waxaa kale oo hooyada looga baahan
yahay in ay canuuggeda jecleysiiso gacan siinta iyo u damqashada dadka kale. Sidoo kale waa in ay nuujiso muddada uu nuujinta
u baahan yahay ayna si fiican u xannaaneyso. Sidaa ay tahay hooyadu waa in ay canuggeeda koolkoolinta ka badin ayna garab
ku siinin gefafkiisa haddii aabuhu doonayo in uu toosiyo ama canaantana waa in ay gacan ku siiso. Ibnu Cabbaas (Allah ha
ka raalli noqdee) waxaa laga weriyay in Nabeigu (N.N.K.H.A.) uu yiri: “laasima ubadkiinna edebtoodana wanaajiya”.
Xadiiskan wuxuu waalidiinta ku waajibinayaa in kormeer joogo ah ku hayaan ubadkooda ayna si wanaagsan u edbaan. Aabayaasha
iyo hooyooyinka waxaa laga rabaa in ay mar walba la socdaan ubadkooda guriga gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waa in ay jecleysiiyaan
waxyaabaha wanwanaagsan necbeysiiyaanna waxyaabaha xun xun amaba ddhibaatadu ku jirto. Waalidiintu waa in ay ubadkooda
baraan aadaabta looga baahan yahay meelaha la isugu yimaado. Haddii xagga ilmaha uu ka yimaado fal aan fiicnen waa in lagu
amaano, lagu dhiirrigeliyo laguna abaalmariyo; Haddii fal xun ka soo fulana waa in lagu dhaliilo laguna canaanto. Islaamka
iyo Barbaarinta Ubadka Markii canuggu gaaro heer uu wax kala sooci karo, labadiisa waalid waxaa laga rabaa in canuggooda
ay ka reebaan in uu ku darmo dadka ahlu sharta ah iyo kuwa akhlaaqdoodu halleysan tahay iyo in uu tago meelaha ciyaaraha xun
xun lagu qabto iyo shineemooyinka lagu soo bandhigo aflaamta kharriban. Labada waalid waxaa kale oo laga rabaa in ay canuggoda
jecleysiiyaan in uu ku mashquulo wixii faa’iido u leh xagga diintiisa iyo xagga adduunyadiisa. Sidoo kale waxaa labada
waalid laga rabaa in ay ilmahooda qabadsiiyaan gudashada waajibaadka diiniga ah iyagoo baraya shuruudaha iyo adaabta lagama
maarmaanka u ah gudashada waajibaadkaas. Rasuulkeennu (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Bara ilmihiinna salaadda marka ay gaaraan
7 sano kuna garaaca marka ay gaaraan 10 sano, kuna kala saara xagga jiifka”. Marka waalidku uu ilmihiisa wanaagga
ku tarbiyeynayo waxaa laga rabaa in uu u sameeyo waqti ay fursad u helaan isboortiga si ay nafis u helaan aysanna u dhibsan
shaqada iyo waxbarashada. Labada waalid marka ay ilmahooda tarbiyeynayaan waxaa laga rabaa in ay muujiyaan dhimrin, dabacsanaan
iyo qallafsanaan la’aan. Saxiix al Bukhaari waxaa ku soo arooray in Rasuulku (N.N.K.H.A.) uu yiri: “Arrinna lagama
helo dhimrin illowse wey qurxisaa, arrinna lagama siibo illowse wey fuulxumaataa”. Sidaas darteed labada waalid
waxaa laga doonayaa in ay ka feejignaadaan garaacista ilmaha iyo guulguulkooda, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in garaacista
iyo guulgoolka ay raad xun ku abuuraan nafsadda canugga. Haddiise ay labad walid u arkaan in canugga aan uu hagaageyn
in la garaaco ama la guulguulo mooyee, markaas waxba kuma jabna garaacistiisa iyoguulguuliddiisa iygoon markaas ku talax tegeyn;
waxaana reeban in garaacistu ay ka badato 3 jeer, maxaa yeelay waxaa la weriyay in Rasuulka (N.N.K.H.A.) uu kku yiri Mardaas
oo macallim ahaa “ka digtonow in in aad 3 jeeer wax ka badan garaacdo, maxaa yeelay haddii aad sidaas yeesho Ilaahey
ayaa kaaga qisaasaya”. Garaacista badan waxay ilmaha sabab ugu noqon kartaa qalbi adeeg iyo caasinimo. Rasuulka
(N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Allaha u gargaro waalid ilmihiisa gacan ku siiyay in ay baarri u noqdaan”.
Waa Socotaa:
W/Q: Abdi Hiddo
|
 |
As we add new product lines, we may add additional pages to our site.
For example, if we sold sporting goods, we might include the following product lines: Outdoor Goods Indoor Goods
Water Activities
|
 |
This month's special:
Product 1 (#2311)
|
 |
|
 |
|
|
|
|
|
 |