AQOON LA'AANI WAA IFTIIN LA'AANE.

Heesaha Caruurta

Home
Bogga Arimaha Diinta
Heesaha Caruurta
Sheekooyinka Caruurta
Bogga Wareysiyada
Nala soo xiriir
Heeso iyo Warar
xilka naga saaran ubadkeenna
Maaweelada Caruurta
Hooyadu waa barbaariyaha Ubadka
Soomalida Deggan Vågå (foogo) ee dalka Norwey

1.  HEESAHA CARUURTA

 

ar Hobeey Hobeey Hobeeheeyaa

warhadaan Heestaada Qaadoo

warhadaan Qaadoo  Khiyaaso

oo saan qalqalooc ka dhowro

ar  Habeenkaa igu dumaahaya

oo Haleelaa iga Duboodin

ar Halbaa iga Gaagaxaysa

oo Hawlbaa iga baaqaneysa.

 

2.  HEESAHA CARUURTA

 

ar an kuu heesee dhageyso

ar dhageysoo dhaga u jeelo

Oo Dhabteyda ku soo fariiso.

Tanke oo aan xasuustaa waa

ar qaloobiye qayla weyne

ar markaad Xaley qeylineysey

ar ma  Geelbaad qaybineysey

ar Ma guutaad kala Horjoogtey

ar ma geenyo  qoofaleysey

 

3.  HEESAHA CARUURTA

 

Huuwayey huuwaa

Hooyo Ma joogto

Kabaheedii idlatey

Kaba kabash u socotay

Geel jire helyaa ma ogi

Geed seexataa ma ogi

Geedigii Habaas dheere ku halowdayaa ma ogi

ar maxaad weydoo  u waalan

ar maxaa wii wiida kuu leh

ar maxaad Uunka u wareerin

ar maxaad Ana ii walaacin

ar ma Abaa kaa sadcaaley

ar sadcaaloo socod ku raagey

ar ma Dhaankiibaa Aroorey

ar Arooroo  Oon ku raagey

ar ma Naaskiibaa Gaboobey

ar gabooboo  gogol ka weydey

 Maandhow Saleelada Hooyadaaya

ar sidii dii kuma tiraahdee

Maandhow  Sintey kugu meerisaaye

 

          DHAMMAAD

 

Heestaan waxaa soo diyaariyey

Oo webkaan u soo diray:

 

FOS –SWISSER.

 


This is where we give our customers a chance to tell us what they think about our web site. Is there anything you would like to see us offer? Do you have any questions or comments? Our business depends on your satisfaction, so please let us know what you think.

Just click this address to send us e-mail:

horumar@hotmail.com

Or give us a call at (800) 555-1212.

Related Links

In this area, we will include any links related to our business or that we think will interest our customers. We may also provide links to other interesting shops you may want to visit.

Small Business Advancement Center

www.sbaer.uca.edu

Better Business Bureau

www.bbb.org