AQOON LA'AANI WAA IFTIIN LA'AANE.

Bogga Arimaha Diinta

Home
Bogga Arimaha Diinta
Heesaha Caruurta
Sheekooyinka Caruurta
Bogga Wareysiyada
Nala soo xiriir
Heeso iyo Warar
xilka naga saaran ubadkeenna
Maaweelada Caruurta
Hooyadu waa barbaariyaha Ubadka
Soomalida Deggan Vågå (foogo) ee dalka Norwey

(Bar ilmahaaga Diinta Islaamka).

Bilaha xurmada leh.

Rasuulka Ilaahay SCW awoowihiis Cabdul Mudhalib, wuxuu jideeyey weyneynta afarta bilood oo xurmada leh, oo ah Rajab, Thul Qacdah, Thul Xajjah iyo Muxarram, oo dhexdooda uu dagaal iyo is dilid ay ka reeban tahay. Waxaa Ilaahay SWT xurmadaas ku sharciyeeyey Aayadda 36 ee Suuratul Al Tawbah, taasoo oranaysa:

"Inna ciddata ashuhuuri cindallaahi ithnaa cashara shahran fii Kitaabillaahi yawma khalaqa assamaawaati wal arda minhaa arbacatun xurumum thaalikaddiinu al qayyimu falaa tathlimuu fiihinna anfusakum wa qaatilul mushrikiina kaaffatan kamaa yuqaatiluunakum kaaffatan waclamuu annallaaha macal muttaqiina".

Aayaddaan Kariimka ah macneheedu waxaa weeye:

"Bilaha tiradooda, Ilaahay agtiisa ahaaday 12 bilo ah weeyaan, Ilaahay agtiisana ahaadeen, maalin uu abuuray samaawaadka iyo dhulka. Waxaa bilahaas ka mid ah afar oo xurmo leh".

Hadaba, halkaan xukun ayaa naloogu sheegayaa. Waqtigii jaahiliga, ee Islaannimada horteed ahaa, carabtu waxay ku isticmaali jirta bilaha carabiga, oo bilaha lagu xisaabiyo markay bishu dhalato oo dayaxa la arko. Kuma xisaabtami jirin bilaha iyo sanadka socodka qorraxda lagu xisaabiyo. Marka waxaa dhaceysey in bisha Xajku ay hadba xilli kale ku soo aaddo, oo mar ku beeganto xagaa, mar ay ku beeganto jiilaalka, mar ay ku beeganto gu'ga marna ay ku beeganto dayrta. Carabtu waqtigii jaahiliga, markay ka foogaadeen Diintii Nabi Ibraahiim iyo Nabi Ismaaciil, Naxariistii Ilaahay dushooda ha ahaatee, qasadka wayn oo ay xajka u imaan jireen wuxuu ahaa ganacsi, oo waxayba ku magacaabi jireen Mawsimka.

Marka waxaa dhacaysey in mararka qaarkood uu xajkii ku beegmo xilli aan tijaarada ugu habboonayn, oo dadkii uusan badeeco haysan ama wax fiican oo ay suuqa keenaan ayan haysan. Markaas ayay xisaabtankii ay bilaha sanadka ku xisaabinayeen dayaxa ka leexdeen, oo waxay u leexdeen inay bilaha sanadka ku tirsadaan qorraxda socodkeeda, oo ah tirsiga gaaladu tirsato oo afka qalaad lagu yiraahdo "Gregorian Calender": markaas bishii xajku waxay ku beegmeysaa mar go'an iyo waqti keli ah oo la soo abbaaro.

Waxaa jirta in sanadka qorraxda lagu xisaabiyo iyo sanadka dayaxa lagu xisaabiyo, markii la isku tiriyo, inuu badan yahay midka qorraxda lagu xisaabiyo. Marka, muddo haddii la joogo, waxaa soo baxaysa bil dheraad ah. Bil dheeraad ah markay soo baxdo, sanadkii marka waxay ku xisaabayaan 13 bilood, taasoo ah beddelaad xukunkii Ilaahay, Suxaanahu waTacaalaa, maxaa yeelay bilaha dayaxa lagu xisaabiyo arkaan sharci ah ayaa la xiriiriah, sida Xajka, soomidda Ramadaan oo xagga bisha ku tacalluqda, aanna fusuusha sanadka la xiriirin.

Waxaa kaleeto oo bilaha dayaxa lagu xisaabiyo la xiriira bilo xurmo leh, xurmo dheeraad ah leh: bilaha xurmada dheeraadka ah leh haddaan bil ahaan loo eegin, oo uun fusuusha keli ah la eego, ayaga naftoodii waa is beddelayaan. Ayagoo ictiqaadsan xurmada bilahaas ayayan, hadana, kuwa ay yihiin xurmadaas kuma ilaalin jirin. Bilahaas afarta ah ee xurmada dheeriga ah leh dhexdooda dagaal iyo is dilid iyo xumi oo dhanba waa ka xaaraan: wixii xumi ah oo dhexdooda lagu sameeyo ciqaab dheeraad ah ayey leeyihiin, wixii wanaag ah oo dhexdooda lagu sameeyana ajar dheeraad ah ayay leeyihiin.

Marka, intaas aan soo sheegnay oo dhan ayaa takhriib ku imaanayaa, markii xisaabta bilaha qamariga ah, ee bil ku dhalashada ah, sidooda aan loo dhawrin, oo lagu beddelo xisaabta bilaha socodka qorraxda lagu xisaabiyo. Marka taas ayaa xukunkeeda Aayaddaan naloogu sheegayaa, oo Ilaahay SWT wuxuu leeyahaya:

"Tirada bilaha Ilaahay agtiisa ahaaday 12 bilo ah weeyaan. Waxaa ka mid ah bilahaas 12 ah, afar xurmo leh: Sidataal, Carrafo iyo Zako oo isku xiga iyo Rajab oo aan la xiriirin. Hadaba, Ilaahay SWT Asaga ayaa koonkaan oo dhan iska leh, tasarrufkiisana iska leh, wuxuu rabo ayuu jideeyaa, wuxuu rabana fadli iyo dheeri ayuu siiyaa. Tusaale ahaan, bilaha sanadka ku jira wuu kala fadilay oo bisha Ramadaan fadli gooni ah ayuu siiyay: Quraanka Kariimka ah ayuu dhexdeeda ku soo dejiyay, Laylatul Qadriga ayaa dhexdeeda ku jirta, soonqaadka barakaysan ayaa ku jira; maalmaha wuu kala fadilay, oo toddobaadka maalmaha ku jira maalinta jimcaha ah ayuu fadilay, oo waxaa dhexdeeda ku jirta mar, haddii ayadoo la cibaadeysanayo Ilaahay, Cazza wa Jalla la baryo, wixii laga baryo oo aan dambi iyo rixim goyn ahayn, qofkii ka barya uu siiyo, oo maadaama aan meel ay jimcaha uga jirto aan la sheegin, dadka arrintaas xogogaalka u ah maalinta jimcaha oo dhan ayay cibaadeysi ku dhammeystaan, si ay markaas ducada la aqbalo ula kulmaan ayagoo Ilaahay SWT la xiriira; sanadka maalmaha ku jira wuu kala fadilay, oo maalinta Carafo ayuu fadilay, oo sida Nabigu SCW u yiri:"Xajku waa carafo"; khalaa'iqdiisa kale wuu kala fadilay, oo Nabiyo iyo Rusul ayuu dhexdooda ka doortaa; amaakinka ama meelaha wuu kala fadilaa, oo Makkah iyo meelaha kale oo xurmada leh, sida Madiina iyo Quddus ayuu fadilay. Aayaddu waxay dhammadkeeda leedahay:

"Mushrikiintana la dagaallama, xaal aad dhan tihiin, adinkoo wada jira muslimiintiiyow, siday idiinla dagaallamayaan ayagoo wada jira. Ogaada Ilaahay inuu kuwa muttaqiinta ah oo ka cabsada uu la jiro".

Aayadda ku xigta, oo ah Aayadda 37 ee ila Suuraddaas Al Tawbah, waxaa Ilaahay SWT nooga warramayaa kuwii bilaha afarta ah ee xurmada dheeriga ah leh, xurmadoodii dib u dhigay, wuxuuna yiri:

"Innamaa annasii'u ziyaadatun fil kufri yudallo bihillathiina kafaruu yuxilluunahu caaman wa yuxarrimuunahu caaman liyuwaadhi'uu ciddata maa xarrama allaahu fayuxilluu maa xarrama allaahu zuyyina lahum suu'u acmaalihim wallaahu laa yahdii al Qawma al Kaafiriina".

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

"Dib u dhigidda kororsiimo weeye, gaalnimo la kororsado: mushrikiintii inta afartii bilood oo xurmada lahaa, middii ay doonaan xurmada ka qaadaan, ayay xurmadaas dib u dhigi jireen, oo bil aan xurmo lahayn siin jireen. Taas waxaa weeye xalaaleyn wixii Ilaahay SWT xaaraan ka dhigay, wuxuu xalaal ka dhigayna xaaraan laga dhigo. Dib u dhigiddu, oo afka carabiga lagu yiraahdo Nasii'i, waa gaalnimo la kororsado, waxaana lagu baadiyeeyaa kuwii kufriyay. Sanad waxay bishii ka dhigayaan xalaal, oo xurmadii ayay ka qaadayaan, oo waxay leeyihiin: sanadkaan bishaan xurmadeedii dib ayaan u dhignay. Tusaale ahaan bishii Zako, oo xurmada lahayd, hadday u baahdaan inay dhexdeeda dagaallamaan, waxay leeyihiin bishaan xurmadii waan ka qaadnay, oo bisha dambe ayaan geynay, wayna iska dagaallamayaan. Sanadka dambe hadday arkaan inayan doonaynin inay dagaallamaan, waxay oranayaan bishaan xurmadeedii bay leedahay.

Bilihii afarta ahaa kuwii ay ahaayeen xurmadii ku ilaalin mahayaan, ee sanadkii ayey afar bilood, oo aan ahayn kuwii Ilaahay SWT xukmiyay, ayay xurmo siinahayaan, si tiradu u le'ekaato tiradii Ilaahay SWT gooyey, oo afarta ahaa: shaydhaan ayaa acmaashoodii xumayd u qurxiyay, markaasey u qaateen inay wanaagsantahay. Ilaahay ma hanuuniyo qolo gaalo ah"

Gudashada Xajka

Maxamed Xirsi (Abdibashir)

Ilaahay ayaa mahad leh. Naxariis iyo nabadgelyo ha ahaato nebi Muxamed korkiisa.
Walaalayaal waxaan halkan idiinku soo koobayaa qodobada ugu muhiimsan ee gudashada xajka. Taas waxaan u yeelayaa maadaama ay dad badani u kicitimayaan dhawaan soo gudashada faralka xajka. Waxaan hubaa inay caawin doonto dadka qaarkii. Markaa qofkii garanaya cid xajka ku socota ha u daabaco warqaddan.

Haddaba waxaan leeyahay; xajka waxaa loo gudan karaa saddex siyood oo saddexduba bannaanyihiin, balse kala mudan. Saddexdaas qaybood waxay kala yihiin:

• Xajka Qiraan
• Xajka Ifraad
• Xajka Tamattuc

Maxay toloow kala yihiin saddexdan nooc?
• Xajka Qiraan = waa in marka la xidhanayo la isku daro xajka iyo cumrada oo la yidhaa: ”labbayyka Bi xajjin wa cumrah”. Qofku ma xalaaloobayo ilaa ay dhammaadaan cibaadooyinka xajka oo dhami.
• Xajka ifraad: Waa in qofku marka ugu horraysaba uu xidho xaj keliya oo uu yidhaahdo: ”Labbayka bi xajjin”. Qofkaasina ma xalaaloobayo ilaa ay dhammaadaan cabaadooyinka xajka oo dhammi.
• Xajka Tamattuc = waa in qofka xajayaa uu marka hore cumraysto oo uu ka xalaaloobo cumrada, dabadeedna uu xajka xirto siddeeda bisha Dul-Xija.

Qofka aan soo kaxaysanin xoolo (Hadyi), waa inuu gutto xajka loo yaqaan ”Tamattuc”. Maddaama dadka casrigan jooga badankoodu aanay soo kaxaynin ”Hadyi” wuxuu xajkoodu noqonayaa ”xajka tamattuca” oo ah marka hore cumro marka dambena xaj xalaalow u dhexeeyo. Bal haddaba u fiirso:

Cumrada

Marka aad u baxdo dhinaca xajka waa:

• inaad Maydhato, sida jinaabada ama xaydka looga maydho oo kale
• Inaad lebisato maryaha xajka
• Inta aanad gelin xaramka waa inaad xidhato xajka adiga oo dhahaya: ”Labbayka Allahumma bi cumratah”
• Dabadeed waxaad bilaabaysaa dikriga Alle. 

• Marka aad timaaddo Mackka ee aad masaajidka soo gasho waa inaad dhahdo: Allahumma Salli calaa Muxammedin wa sallim, allahumma iftax lii abwaaba raxmatika”, dabadeed waa inaad masaajidka ”Dawaafto” todoba jeer oo saddexda hore degdeg tahay. Salaamidda xajar al-aswad-na way ku jirtaa. Dabadeedna aad laba rakcadood tukato. Maqaam al-ibraahiim ayaa fadli badan in lagu tukado hadday suuragasho.
• Marka aad tukato labadaas rakcadood, waxaad u baxaysaa dhinaca buuraha “Safa iyo Marwa”. Buurta Safa ayaad koraysaa, dhinaca kacbada ayaad u jeesanaysa waxaana ku ducaysanaysaa wixii aad rabto.

Dabadeed waad soo daadegaysaa, waad ordaysaa ilaa aad ka korto buurta “Marwa” waxaad yeelaysaa sidii aad yeeshay markaad fuushanayd buurta “Safa”. Taasi waa hal sacyi. sidaas ayaad u ordaysa labada buurood ee “Safa iyo Marwa” dhexdooda todoba jeer. Waxaad ku bilaabaysaa buurta Safa, waxaanad ku dhammaynaysaa buurta Marwa.

• Marka aad dhammaysato orodka “Safa iyo Marwa”, way kuu dhammaatay cumradii, timaha ayaad wax iska jaraysaa waanad xalaaloobaysaa, maryo caadiyana waad xidhanaysaa.

Xajka

1. Subaxda 8da bisha Dul-Xija waa inaad xidhato xajka adoo jooga meesha aad degentahay:

• Waa inaad maydhato haddii ay kuu suuragal tahay
• Waa inaad xidhato maryaha xashka
• Waa inaad dhahdo: “Labbayka allahuma Bi xaj”, dabadeed waxaad bilaabaysaa dikriga xajka ee loo yaqaan “Telbiyadda”.
(Waxaa jira digri iyo ducooyin kale oo la akhriyi karo).


2. U bixidda Mina iyo ku baryiddeeda

Isla markaas waxaad u baxaysaa dhinaca “MINA” oo aad ku tukanayso; Duhurka, casarka, Maqribkam, Cishaa’iga iyo Subaxa dambe. Salaaduhu waa “QASRI” mid walbana wakhtigeeda ayaa la tukanayaa.

3. U bixidda CARRAFA

                                      Subaxda 9ka bisha DULXIJJA, marka ay cedceeddu soo baxdo ayaa loo kacayaa dhinaca CARAFA iyada oo Alle la xusayo. Halkaas ayaa la joogayaa maalinkaas ilaa qorraxdu dhacdo. Salaadda DUHUR iyo CASAR waxaa la tukanayaa isku mar oo wakhtiga duhurka ah, waana la qasrinayaa. Waa in la badiyo maalinkaas Dikriga Alle iyo ducada.

4. Marka ay qorraxdu dhacdo ayaa CARRAFA laga dhaqaaqayaa iyadoo la aadayo dhinaca “MUSDALIFA”. Marka la gaadho Musdalifa ayaa la tukanayaa salaadda Maqrib iyo salaadda Cishaa’i oo la soo gaabiyey. Halkaas ayaana lagu baryayaa habeenkaas, salaadda Subaxna lagu tukanayaa.

5. Marka ay soo dhawday soo bixidda qorraxdu ayaa laga baxayaa Musdalifa. Waxaa loo baxayaa dhinaca Mina. Marka aad gaadho Mina waxaad samaynaysaa arrimahan:
a. Waxaad ku tuuraysaa buurta “JAMRATUL-CAQABAH” todoba dhagax oo yaryar. Marka aad mid tuurtaba waxaad dhahaysaa “Allahu akhbar”.

b. Waxaad gawracaysaa xoolaha “Hadyiga” ah, waana laguu gawrici karaa.
c. Dabadeed waxaad iska xiiraysaa ama aad iska gaabinaysaa timaha. Dumarku way gaabinayaan
Marka aad sidaas yeesho, waad xalaalowday qayb ahaan. Wax kasta oo kaa xidhnaa way kuu furmayaan, (galmada mooyaane).

6. Dabadeed waxaad aadaysaa isla maalintaas dhinaca Macka. Waxaanad samaynaysaa arrimahan soo socda:
a. Waxaad ku dawaafaysaa masaajidka todoba jeer (dawaaf al-ifaada)
b. Waxaad ordaysaa “SAFA iyo MARWA” dhexdooda todoba jeer.

Marka aad sidaas yeesho waad xalaalowday gebi ahaanba. Waxaa kuu furmaya wax kasta oo kaa xidhnaa (xiitaa galmadii).

7. Markaad dhammayso Dawaafka kacbada iyo orodka Safad & Marwa, Waxaad u noqonaysaa dhinaca Mina. Waxaad halkaas u hoyanaysaa 11ka, 12ka iyo 13 bisha Dul-xijja. Haddii aad degdegsantahay waxaa kugu filan habeenka 11ka iyo 12ka.

8. Maalinta 11ka bisha, duhurka dabadii waxaad soo tuuraysaa saddexda buurood adigoo ka soo bilaabaya ta ugu fog. Mid walba waxaad ku tuuraysaa todoba dhagax oo yaryar. Markaad dhagax tuurtaba waxaad dhahaysaa “Allahu Akbar”. Buurta shishe iyo ta dhexe marka aad ku tuurto, waxaad u jeesanaysaa qiblada, waanad ducaysanaysaa. Sidaas ayaad yeelaysaa labada maalmood ee kalena.
9. Haddii aad degdegsantahay waad iska dhaafi kartaa tuuryada “maalinta saddexdaad” balse waxaa fiican inaad negaato oo aad samayso tuuryadaas.
10. Inta aanad ka soo dhoofin, waa inaad soo dawaafto xaramka todoba jeer (Dawaaf al-widaac). Haweenka xaydka ama nifaaska qaba waa laga dhaafay dawaafkan dambe oo lagama rabo.

Dhammaad

Enter supporting content here